Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Madaxweyne Farmaajo oo sanadkii Labaad ka baaqday ka qaybgalka shirka Qaramada Midoobay

Madaxweyne Farmaajo oo sanadkii Labaad ka baaqday ka qaybgalka shirka Qaramada Midoobay

Muqdisho (Madal Furan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad iyo wefdi uu hogaaminayo waxayna ka  qeyb-geli doonaan Fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

25ka bishan September ayaa xarunta QM ee New York waxaa ka furmi doona shirka Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa, waxaana safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku weheliya xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii Labaad ka baaqday inuu ka qayb galo shirka QM iyadoo loo aaneynayo sababo la xiriira culeyska siyaasadeed ee ay ku hayaan Xukuumadiisa Hogaamiyayaasha maamuladda Gobolada iyo iyadoo ay jirto cabsi kaga imaan karta mooshino is daba jog ah oo Golaha Baarlamaanku ku qaadi karaan Madaxweynaha ama Raysal Wasaaraha.

Wasiirka Arrimaha dibadda Mudane Cawad ayaa  waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.