Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Maraykanka oo Shiinaha cunaqabatayn u saaray hub uu Ruushka ka gatay

Maraykanka oo Shiinaha cunaqabatayn u saaray hub uu Ruushka ka gatay

Madal Furan –

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay milatariga Shiinaha iyadoo sababtuna tahay in ay Ruushka ka gateen diyaaradaha dagaalka iyo gantaallada dhulka la dhigo ee diyaaradaha lagu soo rido ama gantaallada kale lagu burburiyo.

Iibsashada noocaas oo kale ah ayaa ka soo horjeedda cunaqabataynta uu Maraykanku saaray Ruushka isaga oo loo haysto in ficilladiisa Ukraine iyo eedaymaha kale ee sheegaya in uu farogaliyay siyaasadda Maraykanka.

Shiinaha ayaa dhawaan gatay 10 diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ah oo noocoodu yahay Su-35 iyo gantaallada S-400.

Beijing kama mid ahayn cunqabataynta ay Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedku saareen Ruushka sannadkii 2014kii.

Calaaqaadka Ruushka iyo Maraykanka ayaa si wayn u sii xumaanayay ka dib markii Moscow ay ku darsatay gobolka Crimea ee dalka Ukraine sannadkii 2014.

Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu fara galin ku sameeyay doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016, xiisadda labada dal dhex taallana waxaa sii xumeeyay ku luglahaanshaha Ruushka ee colaadda sokeeye ee dalka Suuriya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.