Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Faahfaahin ka soo baxday Suldaankii lagu dilay magaaladda Badhan

Faahfaahin ka soo baxday Suldaankii lagu dilay magaaladda Badhan

Badhan (Madal Furan) Subaxnimadii hore ee saaka ayaa magaaladda badhan waxaa lagu toogtay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa Salaadiinta Gobolka Sanaag, iyadoo dilka Suldaanka loo aaneynayo ciidamadda amaanka Gobolka Sanaag inay ka danbeeyeen.

Wararka hadda soo gaaraya Madal Furan ayaa sheegaya in la qabtay nin ka tirsan ciidamada kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa ninkii furay rasaasta uu Suldaanku ku dhintay.

Waxaa goor dhow magaalada Badhan ka dhici doona aaska Suldaan Xasan Allaha u naxariistee, waxaa si weyn u degtay xaaladii kacsaneyd ee horay uga taagneyd magaaladda Badhan.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa weli wuxuu ku sugan yahay magaaladda Badhan, iyadoo maanta ay magaaladda ka jirto murugo la xiriirta dhimashada Suldaanka.

Waxaa weli socda baaritaano la xiriira sababta dhalisay in toogasho lagu dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *