Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Muslimiinta dalka Kenya oo loogu baaqay in ay sameystaan ururo qaabilsan ururinta Zakada

Muslimiinta dalka Kenya oo loogu baaqay in ay sameystaan ururo qaabilsan ururinta Zakada

Kenya (Madal Furan) – Muslimiinta dalka Kenya  ayaa lagu booriyey in ay bixiyaan Zakada bisha barakeysan ee Muxaram, bisha koowaad ee ee Taariikh sheegaha Islaamka.

Zakada ayaa ah mid ka mid ah 5-ta tiirul Islaam ee waajibka ah, taasi oo loo baahan yahay in muslimiintu kuwooda wax heysta ay la wadaagaan kuwa kale ee saboolka ah.

Qabanqaabiyaha qaran ee Guddiga Sare ee Muslimiinta Kenya Cabdullahi Salaat ayaa ku booriyey muslimiinta in ay Zakada bixiyaan sida ay dhigeyso shareecada Islaamka.

Mudane Cabdullaahi Salaad ayaa ku waaniyey muslimiinta in ay abuurtaan ururo u qabanqaabiya arrimah Zakara isla markaasina u qeybiya dadka u qalma in la siiyo Zakada.

Tani oo uu sheegay in ay saameyn weyn yeelan doonto oo ay ka fiican tahay in qof qof wax loo aruuruiyo.
Isku duwaha amniga gobolka Waqooyi Bari Kenya mudane Maxamed Biriq ayaa ku booriyey shacabka Islaamka ah in ay biziyaan Zakada xilligeeda isla markaasina la gudoonsiiyo dadka ay quseyso.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xitaa kooxaha dagaalamayaasha Al-Shabaab ay iyagu dadaalkan oo kale sameeyaan oo ay Zakada aruuriyaan.

Isku duwaha amniga gobolka ayaa sidoo kale sheegay in taxadar weyn laga yeesho cida aruurineysa Zakada, waxaa uu sheegay in mas’uuliyad ay ka saaran tahay xaqiijinta sidii dadka nugul loo gaarsiin lahaa Zakada, waxana uu sheegay in aysan aheyd in Zakadu ku dhacdo gacan cadow ah oo dhibaato garsiineysa qarankani.

Mudane Biriq ayaa sheegay in dowladda ay ficil adag ka qaadi doonto cid kasta oo oo la arko iyada oo Zakada siineysa dadka aan u qalmin in wax la siiyo.

“Qofkii lagu arko isaga oo Zakada siinaya dad laga shakisan yahay ama leh dabeecado xun iyada ayaa ka mas’uul ah waa in Zakada ay gashaa gacanta u baahan ee masaakiinta” ayaa uu yiri mas’uuku.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *