Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Xukuummadda oo Ansixisay kamid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Naafada

Xukuummadda oo Ansixisay kamid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Naafada

Muqdisho (Madal Furan) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, kaasoo golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Aadan Isxaaq ayaa sheegay in shirka lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta Qaramada Midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.