Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Guddoonka Baarlamaanka oo la hordhigay mooshin loogu yeerayo Raysal Wasaare Kheyre

Guddoonka Baarlamaanka oo la hordhigay mooshin loogu yeerayo Raysal Wasaare Kheyre

Muqdisho (Madal Furan) – 23 Xildhibaan ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  waxay u gudbiyeen mooshin loogu yeerayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu hor yimaado Golaha.

Qoddobka 72aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ayaa dhigaya in ugu yaraan 10 Xildhibaan soo jeedin karaan in Raysal Wasaaraha la hor keeno Golaha iyadoo aan cod loo qaadin, Baarlamaanka, haseyeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Guddoonka Baarlamaanku ay ka codsadeen wakhti inay siiyaan Xildhibaanada mooshinka  soo jeediyey .

Dood adag oo Xildhibaanadu ay Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka yeesheen xaalada nabadgelyo ee dalku marayo ayaa Xukuumadda Kheyre waxay kala kulantay eedeymo la xiriira inay wax ka qaban waayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa wuxuu Guddi u saaray xog ururintii dooda Xildhibaanadii ka hadlay doodii amniga waddanka iyo talooyinkii ay soo jeediyeen.

Arrintan ayaa waxaa waxay ku soo beegmeysaa xili uu jiro jaahwareer siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyayaasha maamuladda Goboladda Soomaaliya.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *