Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Duleedka magaalada Cadaado oo ciidamo maamulka Galmudug ka wada tirsani dagaal ku dhex maray

Duleedka magaalada Cadaado oo ciidamo maamulka Galmudug ka wada tirsani dagaal ku dhex maray

Cadaado (Madal Furan) – habeenimadii xalay ayaa ciidamo ka wada tirsan maamulka Galmudug waxaa dagaal ku dhex maray meel u dhow magaaladda Cadaado.

Iskudhacan ayaa la soo sheegayaa inuu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo tagay magaalada  Gaalkacyo iyagoo u socdaalayey magaaladda, waxayna goobjoogayaal sheegayaan in ay isku dhaceen ciidamo kale oo maamulka Galmudug ka tisan oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn magaaladda Cadaado.

Ugu yaraan Hal Askeri ayaa la xaqiijyey inuu dagaalkaas oo mudo kooban socday uu ku dhintay Laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Baari la xiriira sababta dhallisay in ciidamadaasu wada dagaalamaan ayaa waxaa baaritaano ku wado masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in saakay magaalada laga dareemayo israsaaseynta xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in markale ay wax dhacaan.

13-kii bishan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay diideen inay Cadaado galaan ciidan kale oo ka yimid dhanka Gaalkacyo, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxda Galmudug.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *