Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Al-shabaab oo sheegtay inay ka danbeeyeen Sarkaal ciidan oo xalay lagu dilay magaaladda Beledweyne

Al-shabaab oo sheegtay inay ka danbeeyeen Sarkaal ciidan oo xalay lagu dilay magaaladda Beledweyne

Beledweyne (Madal Furan) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidnimadii lagu dilay magaaladaa gudaheeda nin ka tirsanaa ciidamada Milateriga ee Dowladda FS eek a hawl gala Gobolka Hiiraan

Kooxo hubeysan oo weerarkaas geysggtay ayaa waxay kaloo dhaawaceen Laba Askeri oo la socdaay marxauumka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Muumin Xasan Raage  (Afweyne) iyadoona darajadiisa ciidan lagu sheegay u ahaa sarkaal laba xidigle ah.

Warbaahinta ururka Al-shabaab ayaa durba sheegatay inay ka danbeeyeen masuuliyada dilka loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa ciidamadda Dowladda FS eek a hawlgala gobolka Hiiraan.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobjoogayaal sheegeen inay iska baxsadeen halkii ay dilka ka geysteen, iyagoo horay u sii qaatay qorigii uu watay marxuumka dhintay.

Sarkaalka xaley lagu khaarijiyey magaalada Baladweyne ayaa sheegaya inuu ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada ee ka howlgala degmada Maxaas, balse waayadii dambe uu ka mid noqday saraakiisha ka howlgasha magaalada Baladweyne.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *