Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ururka Al-Shabaab oo beeniyay in Itoobiya ay ka dishay 70 dagaalyahan.

Ururka Al-Shabaab oo beeniyay in Itoobiya ay ka dishay 70 dagaalyahan.

Madal Furan – War ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin war dhowaan ay dowladda Itoobiya ku sheegtay inay ku dileen 70 ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Waxaa ayaa Ururka Al-shabaab ku beeniyeen duqeynta ay dowladda Itoobiya sheegatay in ay la beegsatay xarun ay lahaayeen ururkooda isla markaasna ay ku dileen tiro badan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in sheegashada Itoobiya aysan waxba ka duwaneyn hab dhaqankii Kenya oo ahaa in wax aanan jirin oo ah duqeymo aanan dhicinba iska sheegtaan.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ee Fana ayaa sheegtay 15-kii bishan in duqeyn cirka oo lagu dilay 70 dagaalame, iyadoo soo xigatay Taliyaha Ciidamada Cirka Itoobiya Gen. Yilma Merdasa.

Lama sheegin halka duqeynta ka dhacday, taas ayaana keentay in shaki badan la geliyo dhab ahaanshaha jiritaanka duqeymo ka dhacday Soomaaliya todobaadkan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *