Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Muxuu u baaqday kulankii Farmaajo iyo maamul goboleedyada?

Muxuu u baaqday kulankii Farmaajo iyo maamul goboleedyada?

Madal Furan – Waxaa dib u dhacay shir lagu waday in ay maanta Muqdisho ku yeeshaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Shirkani ayaa waxaa horey u iclaamiyay oo ugu baaqay madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabadulahi Farmaajo, isla maalintii ay madaxda maamul goboleedyada sheegeen in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee 8 September.

Baaqashada shirkani oo la rajaynayay in lagu xaliyo khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ayaa ah calaamad kale oo muujinaysa kala fogaanshiyaha labada dhinac.

Qormadan waxaan ku eegeynaa dhowr qodob oo ku xeeran sababaha dib u dhigay in ay isu yimaadaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

Xiriir aan cago adag ku taagnayn.

Xiriirka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa inta badan ahaa mid aan cago adag ku taagnayn.

Dawladda hadda jirta ee Farmaajo, iyo tii Xasan Sheekh Maxamuud, xiriir aad u wanaagsan ma uusan kala dhexeyn dawlad goboleedyada.

Dhowr goor ayaa iyaga iyo maamul goboleedyada waxaa dhex maray isku dhacyo.

Maamulladu waxay ku eedeeyaan fara gelin inay ku hayso dawladda dhexe, halka ay dowladda dhexe ay maamul goboleedyada ay ku eedeeysay wadashaqayn la’aan.

Ismaandhaafkii ugu waynaa ee maamul gobleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ahaa kii ka dhashay khilaafkii khaliijka.

Xilligaasi dowladda dhexe ayaa sheegtay in ay dhexdhaxaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka.

Balse maamul goboleedyada qaarkood ayay dowladda dhexe ku eedeeyay in ay jabiyeen go’aankii dowladda dhexe, islamarkana ay la safteen qaar ka mid ah dowladihii u khilaafka ka dhaxeeyay.

Taasi waxay keentay in Soomaaliya ay dhexda ka fariisato khilaaf aysan shaqo ku lahayn oo ah kan khaliijka.

Faragalin gudaha iyo dibadda ah

Dowladda dhexe ayaa marar badan ku eedeeysay madaxda maamul goboleedyada in ay gacan saar la leeyihiin dalal shisheeye.

Waxaa aad u soo noqnoqday in madaxda maamullada ay taageero u doontaan dibadaha, qaarkoodna ay “qaraab tagaan”, ayagoo u arka in aysan xukuumadduba ku taagnayn waddo sax ah oo ay musuqmaasuq faraha kula jirto.

Maamullada dalka ka jira dhamaantood waxay xiriir fiican la leeyihiin qaar ka mid ah dalalka dibadda,waxa ayna mararka qaar ay galaan heshiisyo aysan dowladda dhexe ka warqabin.

Madaxda dowladda dhexe ayaa xiriirka maamul gobleedyada ay la leeyihiin dalalka shisheeye waxa ay ku tilmaamtay mid aan sharci ahayn oo ka baxsan waajibaadka maamulada.

Dhanka kale maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay soo fargaliso howlaha maamul goboleedyada.

Waxa ay sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ay dowladda dhexe ku eedeeyeen in ay waddo qorsho lagu badalayo madaxda iminka haysa talada maamul goboleedyada.

Maamul goboleedyada ayaa dhanka kale ku dhaliilaya dowladda dhexe in aysan kheyraadka dalka wax ka siin maamul goboleedyada.

Dhinac Seddaxaad iyo goob kale.

Khilaafka imika taagan wuxuu billowday ka dib shirkii Kismaayo ee madaxda maamul goboleedyada, waxaana iminka socda sidii loo xallin lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa madaxda maamul goboleedyada ku casuuntay shir lagu waday 17 bishan in uu Muqdisho ka dhaco.

Balse madaxda maamul goboleedyada ayaa shuruudo ku xiray shirkaasi ay dowladda dhexe ku baaqday.

Waxaa ka mid ah shuruudaha ay ku xireen in si xal loo gaaro loo baahan yahay in dhinac seddaxaad uu dhexdhaxaadinta qayb ka noqdo.

Waxay kaloo su’aal ka keenen amniga Muqdisho, waxayna dalbadeen in laga wadahadlo goobta shirka lagu qabanayo iyo cidda amniga goobta damaanad qaadaysa.

Balse dowladda dhexe ayaa ka biya diiday shuruudahaas ay soo bandhigeen madaxda maamul goboleedyada.

Raisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in uusan soo dhawaynayn in dalal shisheeye ay u kala dab qadaan madaxda Soomaalida.

“Daraf sadaxaad waa dhaqankii aan soo barannay oo ahaa ajaaniibta ha u kala garqaaddo madaxda Soomaaliyeed, taasi waa la soo dhaafay” ayuu yiri Mr Kheyre.

Laba mowqif iyo laba go’aan oo aad u kala fog ayey labada dhinac kala istaageen.

Doorashooyinka maamul goboleedyada

Khilaafkan ayaa ku soo beegmaya xilli qaar ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ay ku soo fool leeyihiin doorashooyiin.

Koonfur galbeed ayaa lagu wadaa in doorashada madaxwaynanimada ay ka dhacdo dabayaaqada sanadkan,halka Puntland lagu wado in ay doorasho ka dhacdo horraanta sanadka soo socda.

Dhanka kale doorashada madaxwaynanimada Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto dabayaaqada sanadka 2019.

Qaar ka mid ah dadka lafagura siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay ka cabsi qabaan in xilka ay mar kale ku soo laaban waayaan.

Madaxda maamul gobleedyada ayaa dhistay golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada oo la sheegay in danaha maamul goboleedyada ay ka shaqayn doonaan.

Golahan ayaa shirarka ay inta badan isugu yimaadaan waxa ay kaga hadlaan arrimo quseeya xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda.

Inta badan waxaa shirarkooda ka so baxa eedeeymo iyo dhaliil ay u jeediyaan dowladda Dhexe.

Shirkii ugu dambeeyay ee Kismaayo kama aysan qayb galin madaxda dowladda dhexe, taasina waxay muujisay sida uu u wiiqmay xiriirka labada dhinac.

Muxuu yahay xalka

Xalka ayay dad badan u arkaan in uu ku jiro in labada dhinac ay wada hadlaan lana falanqeeyo arrimaha la isku hayo.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka iyo Soomaaliya wuxuu qabaa in la gaaray “xilligii ay hogaamiyayaasha Soomaalida ka fekeri lahaayeen in danta shaqsiga ah inta meel la iska dhigo oo tan caamka la eego”.

“Wax badan waxa ay ku xirnaan doontaan in sidii geel-jiraha gacmaha hoos loo dhaqo si masiiri ahna loo fikiro, xukuumadana ay u turto maamul goboleedyada, maamul goboleedyada ay u turaan xukuumadda, mucaaradkana aysan sii shidin arrinta” ayuu yiri Dr Bursaliid.

Source BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *