Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Kooxo hubeysan oo mag. Muqdisho ku dhaawacay Nin ka tirsan Masuuliyiinta shirkadda Amal

Kooxo hubeysan oo mag. Muqdisho ku dhaawacay Nin ka tirsan Masuuliyiinta shirkadda Amal

Muqdisho (Madal Furan) – kooxo  hubeysan ayaa waxay magaalada Muqdisho dhaawac culus ugu geysteen nin lagu magacaabo C/qaadir Al Waasac oo ka tirsan masuuliyiinta sare ee shirkadda Amal.

Dad ka agdhowaa goobtaas ayaa sheegay inay arkayeen Laba dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan oo rasaas la dhacaya C/qaadir Al-Waasac markii uu ka soo baxay xafiiska shirkadda uu ka hawl galo.

Kooxdii dilka geysatay ayaa lagu soo waramayaa inay baxsadeen iyadoo aan la garaneyn haybtooda, waxaana halkaas gaaray ciidamamada Booliska, mana jirto cid ay u soo qabteen falkaas.

Mid ka mid ah Isbitaalada magaaladda Muqdisho ayaa la soo sheegayaa in loo qaaday ninka dhaawaca la gaarsiiyey..

5-kii bishan ayay aheyd markii xilli habeen ah qarax gaari gacan loo adeegsaday lagu weeraray meel ku dhaw shirkadda Amal ee suuqa Bakaaraha, kaasi oo aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *