Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Boqorka Sucuudiga oo hogaamiyayaasha Itoobiya iyo Eriteriya gundoonsiiyey biladda ugu sareysay dalkiisa.

SAWIRO:- Boqorka Sucuudiga oo hogaamiyayaasha Itoobiya iyo Eriteriya gundoonsiiyey biladda ugu sareysay dalkiisa.

Riyadh (Madal Furan) – Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis ayaa biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirka Nabadda ee lagu saxiixayo heshiiska dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka socda magaalada Jeddah, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaadii labada dal u dhaxeysa muddo labaatan sano ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *