Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > DAAWO:- Shacabka Somaliland oo ka qayliyey taariko cusub oo xukuumaddu lacag ku urursaneyso

DAAWO:- Shacabka Somaliland oo ka qayliyey taariko cusub oo xukuumaddu lacag ku urursaneyso

Hargeysa (Madal Furan) – Shacabka ku dhaqan deegamada Somaliland ayaa waxay si adag uga qayliyeen nooc Taarikada gaadiidka ah oo Xukuumaddu sheegtay in lagu bedeli doono taarikadii hore looga isticmaali jiray goboladda Somaliland.

Mulkiilayaasha gaadiidka oo la hadlay saxaafadda ayaa waxay sheegeen in xukuumadu ay dooneyso lacag urursi balse aysan u tureyn shacabka.

Taarikada cusub ayaa qiimaheedu noqonayaa 60$, iyadoo dhamaan gaadiidkii horey u joogay iyo kuwa soo degayaba laga qaadi doono lacagtaas.

Dhinaca sharciga marka laga eego ayaa dad badani u arkaan xadgudub ka dhan ah shucuurcda waddanka, maadaama aysan Baarlamaaka Soomaaliland aysan waxba ka ogeyn, lana soo marin qiimaha lagu iibinayo Taarikada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.