Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Maxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada oo xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Alshabaab

Muqdisho (Madal Furan):–Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 Maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa kooxda ururka  Alshabaab.

Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale waxaa la sheegay in ay kawada tirsan-yihiin Koox gaar ah  oo ay ula baxeen (jugta Culus)  taas oo  loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku eedeysay shantan ruux inay ka tirsan yihiin koox gaar ay ula baxeen Jugta Culus, kuwaasoo loogu tala galay inay weerareen fariisimaha Ciidamada Amniga ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee kala ah Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale ah Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay warbaahinta Dowladda  Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *