Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Al-shabaab

Marko (Marka Furan) – Howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 14  Oktobar ay ka fuliyeen gudaha Magaalada Marko ay ku sheegeen inay ku soo qabteen Horjoogihii maleyshiyada Al-shabaab u qaabilsanaa Aasitaanka miinyooyinka ee dhulka Saleemaan Cumar Cabdulle.

Taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in horjoogahaan ay ka war heleen xogtiisa kadib markii ay u soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Marko.

G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) waxa uu sidoo kale sheegay in xiliga la qabanayay Horjogahaani uu buundada Magaalada Marko ku aasayay Miino.

Waxa kaloo Taliyuhu sheegay in horjoogaha ay qabteen lagu eedeeyey inuu gacmaha ka jaray dad shacab ah oo ku nool magaaladda Marka.

Horjooge Saleemaan Cumar Cabdulle ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u Xaqiijiyay inuu Al-shabaab ku biiray Sanadkii 2015-kii

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *