Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Fadeexad: Wasiir Jamaal oo iibsanaya xubin Golaha Shacabka

Fadeexad: Wasiir Jamaal oo iibsanaya xubin Golaha Shacabka

Mogadisho (Madal Furan) – Wararka ka imanaya magaalada Mogadisho, ayaa waxay xaqiijinayaan in Warsiirka Qorshayna iyo Iskaashiga Caalamiga ee dawladda Federalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Hassan uu dadaal ba’an ugu jiro sidii uu  uga iibsan lahaa kursiga xubinimada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya xildhibaanka hadda ku fadhiya Xildhbaan Dhahar oo ay isku beel yihiin.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan  waxaa uu Puntland uga yeeray, Suldaanka Beesha iyo ilaa saddex nabaddoon oo haatan ku sugan Mogadishu si loo dhameystiro heshiiska kala iibsiga kursiga Xildhibaan Dhahar.

Weli ma caddy go’aanka kama dambeysta Xildhibaan Dhahar Ali Faarax Dhahar ee  ku aaddan  gor-gorinta ku socota kursigiisa.

Waa arrin ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya in kursiga lagu banneeyo kala iibsi. Lama garan karo Guddiga doorashooyinka iyo guddiga anshaxa Golaha Shacabka waxa uga xeer ah, ganacsiga ka abuurmay xubinimada golaha shacabka.

Haadi ay dhacdo in kursiga uu banneeyo Xildhibaan Dhahar, Wasiirka waxa sugaya inuu isku diyaariyo nidaamkii u degganaa doorashadii dadbanayd ee 2016, iyo in Guddiga doorashooyinka ay ku qabtaan doorasho magaalada Garoowe.

Marka laga soo tago fadeexadda ku aadan isku day iibsi kursi Baarlamaan ayaa  sidoo kale  waxaa iyadana la is waydiinayaa Wasiirka halka uu ka keenay lacagta faraha badan ee uu ku gorgorinayo xubinmada Golaha Shacabka. Wasiir Jamaal hore waxa uu u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya.

Ugu dambeyntii, waxay ahayd bil  ka hor in Wasiir ku Xigeenkii Arimaha Dibadda Soomaaliya lagu soo eedeeyay musuqmaasuq taasii oo galaafsatay xilkii uu hayay iyo dacwad weli ku furan;  Lama garan karo Mudane Jamaal oo saameyn xooggan ku leh xukuumadda hadda jirta inuu ka badbaadi doono musuq la dirirka xukuumaddiisa ay wado.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *