Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo mamnuucay in heshiisyo caalami ah oo aysan ogeyn la galo.

Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo mamnuucay in heshiisyo caalami ah oo aysan ogeyn la galo.

Muqdisho (Madal Furan) –Kulan ay isugu tageen  qaarm ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya Dowladda Fedrraalka Soomaaliya oo uushir gudoominaye ka ahaa Raaysal Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre ayaa si qoto dheer waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha heshiisyo aysan waxba kala socon Garyaqaanka Guud iyo Golaha xukuumadda DFS ay  si madax banana u galaan wasaaradaha qaarkood.

Sidoo kale  Golohaha wasiirada ayaa isku   raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah la ogaysiiyo garyaqaanka guud iyo Ra’iisul Wasaaraha si looga fogaado dhibaatooyin  laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

Cabdullaahi Xaamuud Maxamuud oo ah Wasiir Dowladaha Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankan uu ka soo baxay R/Wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana muhiim ay tahay in la ilaaliyo Nidaamka iyo Sharciga u yaala Dowlada Soomaaliya.

Go’aankan ka soo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan gali doono,iyadoona ay xusid mudan tahay Xubnaha ka mid ah Wasiirada badanaa ay heshiisyo Caalami ah ay la galaan Wadamada Caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *