Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Qalab ay carruurtu ku ciyaarto oo dhagaxa kalyaha gala la isaga soo saari karo”

Qalab ay carruurtu ku ciyaarto oo dhagaxa kalyaha gala la isaga soo saari karo”

Madal Furan – In aad raacdo nooc ka mid qalabka carruurta lagu ciyaarsiiyo ciidaha (roller-coaster) ayaa la isaga soo saari karaa dhagaxaanta kalyaha gala.

Arrintaas ayaa ahayd gunaanadka ka soo baxay cilmi baarista sannadkan ku guulaystay abaalmarinta caafimaadka ee Ig Nobel Prize.

Cilmi baareyaal Maraykan ah oo arrintan isku hawlay ayaa ku taliyay in dadka ay kalyahoodu dhagaxaanta ku jiraan ay si joogto ah u booqdaan goobaha maaweelada ee Soomaalida badankeed u taqaanno in carruuraha oo kali ah lagu ciyaarsiiyo.

Abaalmarinta Ig Nobel ayaa lagu maamuusaa dadka ka guulgaara waxyaabo marka la maqlo lagu qoslo haddana dadka ku dhalisa in ay ka fikiraan arrintaas.

Cilmibaaristan ayaa la billaabay sannado ka hor ka dib markii qof bukaan ah oo dalxiis ka soo noqday uu Borofaysar David Wartinger u sheegay in dhaqax uu ka soo dhacay markii uu raacay qalabka madadaalo ahaanta loo raaco oo buur saaran.

Bukaanka ayaa ku xirnaa barafasoorkan oo ka hawlgala Michigan State University’s College of Osteopathic Medicine.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *