Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Mareykanka oo sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Gobolka Sh/Hoose

Mareykanka oo sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Gobolka Sh/Hoose

Muqdisho (Madal Furan) – Taliska Mareykanka ee la yiraahdo Africom  ayaa sheegay inay duqeymo ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa warbixintan lagu daray in howlgalkaas ay Si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka, waxaa uuna  ka dhacay meel u dhow Deegaanka Mubaarak  ee gobolka Shabeelaha hoose.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in weerarka lagu  bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Al Shabaab, halkaas oo ay ku dileen labo dagaalame ,halka mid kalena ay ku dhaawaceen.

Mareykanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay Duqeymaha uu ka fulinayo gudaha Soomaaliya, ee uu la beegsanayo saldhigayada Shabaab  ay ku leeyihiin  Gobolada dalka.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *