Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Madaxweynaha Hirshabeele oo wajahaya mooshin xilka ay uga qaadi doonaan Golaha Shacabku

Madaxweynaha Hirshabeele oo wajahaya mooshin xilka ay uga qaadi doonaan Golaha Shacabku

Muqdisho (Madal Furan) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo ka mid ahaa Madaxdii Maamulada Goboladda Soomaaliya eek u shiray magaalada Kismaayo ayaa iminka la soo sheegayaa inay ka hor yimaadeen mowjado siyaasadeed oo sababi kara inuu xilkiisa ku waayo.

Waxaa jiray shirar is daba jog ah oo magaaladda Muqdisho ay isugu tageen qaar ka tirsan Xildhibaanada Maamulka Waare, kuwaasoo qorsheynaya inay Baarlmaankooda hor geeyaan mooshin xil ka qaadis ah oo lagu sameeyo Madaxweyne Waare.

Xildhibaanadan ayaa la sheegayaa inay dedejinayaan mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeelle ka hor inta uusan furmin kalfadhiga Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaano ku sugan magaaladda Jowhar ayaa u yeeray Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Waare, waxayna qorsheynayaan inay hordhigaan su’aalo ay adkaan doonto inuu si fudud ugaga jawaabo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Xildhibaanada ayaa sidoo kale la soo werinayaa inay wadaan olole ay ugu jiraan siday u heli lahaayeen saxiixa looga baahan yahay gudbinta mooshinka ridida Madaxweynaha.

Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa siyaasad ahaan u janjeera dowladda Federaalka, waxaana wararku sheegayaan in aanu la dhacsaneyn tallaabada Madaxweyne Waare uga horyimid Dowladda Dhexe, gaar ahaan go’aankii uu qeybta ka ahaa ee maamul goboleedyada wada shaqeyntii dowladda Federaalka ku hakiyeen.

Mooshin laga keeno Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku dhaqan geli kara inay ugu horeyn soo jeediyeen 33 Xildhibaan, waxaana uu xilkiisa ku weyn karaa saddex meel labo meel oo ah tiro dhan 67 Xildhibaan inay Haa ugu codeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *