Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Markii ugu horeysay ee xisaab celin lagu soo rogo maamulada Goboladda Soomaaliyaa

Markii ugu horeysay ee xisaab celin lagu soo rogo maamulada Goboladda Soomaaliyaa

Muqdisho (Madal Furan)Qoraal ka soo baxay DFS oo ay u dirtay Madaxda Maamuladda Gobolada Soomaaliya ee shirka ku leh magalaladda Kismaayo ayaa lagu amray in ay ka soo xisaab celiyaan lacagaha ay DFS ay sanadkii la soo dhaafay ku kabtay miisaaaniyadooda.

Qoraalka Wasiirka maaliyadda DFS C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraalka loo diray Madaxda maamul goboleedyada ku sheegay in taariikhdu markay aheyd 28/08/2918 tababar la xiriira dhinaca xisaab celinta, tababarkaasoo la siiyey xubno ka tirsan xafiisyada miisaaniyada maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir eek u shaqada leh arrimaha soo xisaab celinta.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in xisaab celintu ay tiir dhexaad u tahay nidaamka maamul wanaaga iyo daah furnaata maaliyadda dalka, waxaana lDFS ka codsatay Maamulada Gobolada inay xisaab celintooda ku soo muujiyaan sanadkii la soo dhaafay ee 2017.

Xisaab celinta laga rabo Maamuladda Goboladda ayaa qoraalka lagu sheegay inay sal u tahay heshiiska Hay’adda IMF ee DFS kula jirto ee lagu doonayo in demaha lagu leeyahay Soomaaliya looga cafin lahaa.

Amarka Wasaaradda Maaliyada ka soo baxay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili ay Hogaamiyayaasha maamuladda Goboladu ku shirsan yihiin magaaladda Kismaayo isla markaasna ay DFS u soo jeediyeen eedeymo fara badan.

Qoraalka halkan ka akhriso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *