Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020, deymaha iyo lacagta shilinka Soomaaliga

Shirkii Golaha Wasiirada DFS oo looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020, deymaha iyo lacagta shilinka Soomaaliga

Muqdisho (Madal Furan) – Kulankii Golaha Wasiiradda DFS oo uu shir gudoominayey Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Sharciga doorashooyinka 2020-ka, Dibu-habaynta maaliyadda iyo barnaamijka is-xilqaan oo ah fikir uu soo kordhiyey Raysal Wasaare Kheyre.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada ka hor jeediyey heerka ay mareyso diyaarinta diyaarinta sharciga doorashooyinka ee sanadka 2020-ka, wuxuuna carabka ku dhiftay inay mareyso heer gebagebo ah

Wuxuu kaloo Wasiirku intaas ku daray in dhowaan loo gudbin doono Golaha Xukuumadda si ay u aansixiyaan isla markaasna lagala tashan doono qaybaha Bulshada iyo Maamulada Gobolada ee Soomaaliya ka jira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa olole weyn ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee waddanka Soomaaliya lagu leeyahay, waxaana Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle uu Golaha hortiisa ka sheegay in barnaamijka cafinta deymaha uu marayo heer gabogabo ah.

Wuxuu kaloo Wasiirku sheegay in dhowaan dowladdu waddanka keeni doonto lacagta cusub ee la soo daabacay ee  Shilinka Soomaaliga isla markaasna dibu-habeyn lagu sameyn doono hanaaka Maaliyada dalka Soomaaliya.

Raysal Wasaare Ku xigeenka DDFS Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa isaguna wuxuu si qoto dheer ugaga hadlay barnaamij uu ugu magic daray is-xilqaan, waxaana loo xilsaaray masuuliyada hirgelinta barnaamijkaas oo looga faa’iideysan doono sidii dib loogu dhisi lahaa xarumaha dowladda, wadooyinka iyo goobaha taariikhiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *