Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Hooyadii dhashay Madaxweynihii DDSI oo dowladda Itoobiya cafis uga codsatay in la sii daayo wiilkeeda

Hooyadii dhashay Madaxweynihii DDSI oo dowladda Itoobiya cafis uga codsatay in la sii daayo wiilkeeda

Madal Furan – Daad Mahad Colow oo ah Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo muuqaal laga soo duubay lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa sheegtay in wiilkeedu uu xanuunsan yahay isagoo ku xiran xabsi ku yaal magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiyaa.

Diid Mahad Colow, waxay codsi u dirtay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka dowlad deegaanka Soomaalida oo dhibaatooyin ka tirsanaya Cabdi Maxamuud Cumar, waxayna ugu baaqday inay cafiyaan wiilkeeda “Waxan Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo maadaama uu xanuunsan yahay si uu u helo caafimaad”.ayay tiri.

Sidoo kale Hooyada madaxweynihii dowlad deegaanka ayaa ka codsatay in ra’iisul wasaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu ka qeyb qaato sii deynta wiilkeeda oo ku jira gacanta dowladda uu madaxda ka yahay.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu xeray magaalada Addis Ababa 27 Agoosto ee sanadkaan, kadib markii gurigiisa ay kasoo kaxeeyeen ciidamada booliska Federaalka Ethiopia.

Eedeymaha loo heysto waxaa ugu weyn ku tagri fal awoodeed iyo dhibaatooyin dad shacab ah loogu geystay dowlad deegaanka Soomaalida.

 

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *