Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:-Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Imaaraatka oo soo dhaweeyey qaadashada kaarka Aqoonsiga Dhalashada Qaran

SAWIRO:-Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Imaaraatka oo soo dhaweeyey qaadashada kaarka Aqoonsiga Dhalashada Qaran

Dubai (Madal Furaan) – Shir ku saabsan qaadashada Aqoonsiga Dhalashada heer Qaran ee (National ID) oo ka dhacay magaalada Dubai ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Imaartka Carabta waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan hirgelinta aqoonsiga qaran.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai, iyadoona ganacsatada Soomaaliyeed ay soo bandhigeen qaabka ay ugala shaqyanayaan Dawladda Soomaaliya hirgelinta qaadashada Aqoonsiga Dhalashada Qaran, maadaama uu muhiimad weyn u leeyahay muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaanna ganacsatada.

Safiirka Soomaaliya  u fadhiya Imaaraadka  Mudane Axmed Global ayaa sheegay in kulanka uu qeyb ka yahay qorsheyaasha iftiiminta hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan diiwaan gelinta muwaadiniinta.

“Waxaa la qorsheeyay in qofkasta oo Soomaali ah loo helo aqoonsiga Qaran, arrinkaas oo leh faa’iidooyin ay ka mid tahay in qofkasta uu yeelanayo tixraac qaran oo u fududaynaya howlaha ganacsiga iyo guud ahaaanba baahiyaha nolasha.” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Danjire Axmed.

Madaxa Istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Muwaadiniinta Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi  ayaa sheegay in mashruucan uu lagama maar maan u yahay ganacsatada, maadaama ay adeegsadaan xawilaado, taasi oo u sahleysa in qofka uu helo aqoonsiga tixraac leh, isla markaana uu noqdo qof la aqoonsanyahay.

Gancsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Imaaraadka ayaa tilmaamay in kulanka ay waxbadan isku dhaafsadeen ganacsatada iyo mas’uliyiinta ka qeyb gashay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.