Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey colaadda Tukaraq

Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey colaadda Tukaraq

Madal Furan – Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar, ayaa wuxuu walaac ka muujiyey xaalada colaadeed ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, wuxuuna sheegay  inay masiibo ku tahay Colaadaasi Somaliland iyo Puntland Labadaba, isagoo ku baaqay inay wada hadal nabadeed furaan.

DanMr. David Concar oo War-baahinta Soomaalida la hadlay ayaa sheegay in dawladda UK ka walaacsan tahay xaalada Tukaraq oo uu sheegay inay xagal daacinayso dedaalada hurumarineed ee UK wado deegaamada Soomaalida wuxuuna ku baaqay in wada haddal lagu dhammeeyo xiisada colaadeed ee Tukaraq ka taagan.

“UK waa taageeraha weyn ee nabada Soomaaliya, waa taageeeraha weyn ee nabada iyo xasiloonida,  uma aragno wax dan  ah inay ugu jirto  dadka caadiga ah ee Soomaalida colaad iyo isku dhac marka aan aragno xaalada sida Tukaraq oo kale, waan ka walaacsanay sababtoo ah waxaan danaynaa dadka Soomaaliyeed bad qabkooda, waxaanu ku dedaalaynaa horumarinta Soomaalida, balse xaaladaha sida Tukaraq oo kale, waxay xagal daacinayaan dedaaladaasi.”

Dhanka kale Danjire David ayaa ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland inay isugu yimadaan miiska wada hadalka, ‘waxaanu sheegay in aan xabadi xal ahayn Waxaanu ku boorinay dhinacyada ay u dhaxayso colaada Tukaraq inay miiska wada haddalka isugu yimaadaan si looga wada hadlo loona gaadho heshiis, iyadoo wada xaajood laga yeelan karayo laguma xalin karo Colaad, waxa lagu xalin karaa wada haddal iyo in la isku yimaado .”Ayuu yidhi

Geesta Kelana Safiirka UK u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay in Dagaalka Tukaraq uu masiibo weyn ku yahay Somaliland iyo Puntland,“ Xaalada Tukaraq waxay soo jiitamaysay wakhti dheer mana aha wax sidaasi u weyn, waxay masiibo ku tahay Somaliland waxay masiibo ku tahay Puntland .”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *