Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Faahfaahin Guddiga Doorashooyinku ka bixiyeen wakhtiga la qaban doono doorasho ka dhici doonta Baydhabo

Faahfaahin Guddiga Doorashooyinku ka bixiyeen wakhtiga la qaban doono doorasho ka dhici doonta Baydhabo

Muqdisho (Madal Furan) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo Yarey ayaa shaaca waxay ka qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay u qabsoomi doonto doorashada kuraasta Laba xubnood oo ka banana Golaha Baarlamaanka DFS.

Doorashadan ayaa waxay Gudoomiyuhu sheegay inay ka dhici doonto magaaladda Kismaayo ee gobolka Bay.

Xuseen Cusmaan Xuseen oo hada ah Agaasimaha Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Marxuum Khaliif ayaa horay u baneeyey ka mid ahaanshaha Xildhibaanimada DFS.

Guddoomiyaha Guddiga Marwo. Xaliimo Yareey waxay shaacisay in ilaa iminka ay dhameystiran tahay qorshihii lagu dooran lahaa Hal Xildhibaan, dhowaana ay kan labaad qorshihiisa doorasho soo dhamaan doonto.

Waxaa Guddigu ka sugayaan Odayaasha Dhaqanka inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan Liiska Ergooyinka ka qayb geli doona doorashada Labadan Kurisi.

Maalinimadii shalay ayaa Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan waxay magaaladda Dhuusa Mareeb ku qabteen doorashada Kursi uu horay isaga casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud iyadoo loo doortay shalay xubinta Xildhibaanimada Cabdulaahi Gaafow.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *