Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Lix qof oo Askar iyo Shacab isugu jira oo Muqdisho maanta siyaabo kala duwan loogu dilay

Lix qof oo Askar iyo Shacab isugu jira oo Muqdisho maanta siyaabo kala duwan loogu dilay

Muqdisho (Madal Furan) –

Muqdisho (Madal Furan) – Waxaa magaaladda Muqdisho siyaabo gooni gooni ah loogu dilay 6 qof oo isugu jira ciidamadda dowladda iyo dad shacab oo ku kala sugnaa xaafado ka mid ahaa Muqdisho.

Dilalkan ayaa lagu soo waramayaa inay magaaladda Muqdisho ka geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan waxayna Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ku dileen maanta gelinkii danbe asker ka tirsan ciidamadda dowladda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida ciidamadan lagu diley hase yeeshee sida  ay u xaqiijiyeen saxaafada xubno ka tirsan maamulka degmada Kaaraan dilkan ayaa yimid kadib markii askartan rasaas lagu furay xilli ay saarnaayeen mooto bajaaj,iyaodo dilkana ay geysteen rag hubeysan oo watay gaari yar.

Dadka deegaanka Xaafadda Jamhuuriyo ee Degmada kaaraan ayaa waxa ay sheegeen in rag hubeysan ay rasaas la dhaceen shacab iyo ciidan oo xiliga dilka u dhacayay ku sugnaa Xaafadda Jamhuuriyo.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya inkastoo kooxihii dilka geytay la xaqiijiyey inay baxsadeen, waxayna goobtaas ka qaaday Meydadka afarta ruux ee isugu jirya shacab iyo Ciidan,iyagoo goobta ka bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan ragii ka dambeeyay falkan ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa ku soo aadaya xili maanta dabley hubeysan oo watay Mooto ay dil iyo dhaawac u gesyteen labo qof oo shacab ahaa oo mid kamid uu yahay Oday Da’ah, kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Jamaacadda Simad ee Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *