Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Wararkii ugu dambeeyay ee shirka magaalada Kismaayo uga socda maamul goboleedyada oo noqon doona shirkii ugu adkaa uguna danbeeyey

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka magaalada Kismaayo uga socda maamul goboleedyada oo noqon doona shirkii ugu adkaa uguna danbeeyey

Kismaayo (Madal Furan) Subaxnimada maanta ayaa la filayaa inuu ka furmi doono  magaalada Kismaayo shiirka Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya, kadib markii maalinimadii shalay uu dib-u-dhac ku yimid..

Dad badan oo arrimaha siyaasadaha ka faalooda ayaa sheegaya in Shirka ay isugu tageen magaaladda Kismaayo Maamulada Soomaaliya uu noqon doono kii ugu adkaa uguna danbeeyey ee ay yeelan doonaan Madaxweynayaasha xilkoodu sii dhamaanayo ee goboladda Soomaaliya ka jira, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynayaashan ayaa wakhtii xukunkooda waxaa ka harsan mudo aad yar, waxayna dhalin karaan caqabado waaweyn oo jalaafo u noqon kara dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrimaha la maleyn karo inay sida weyn uga doonaan waxaa ka mid noqon doona khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya iyaga iyo DFS, sida loo wadaagi doono kheyraadka dalka, dib-u-eegista Dastuurka dalka, saami qaybsiga ciidamada Qaranka iwm.

Magaaladda Kismaayo waxaa shalay tegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Micheal Keating, wuxuuna kulamo la qaatay qaar ka tirsan Madaxda Maamuladda Goboladda oo uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo dejin lahaa xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Maamulada qaarkood iyo DFS sida maamulka Jubbaland oo bilihii ugu danbeeyey ka horimaanayey go’aamada DFS ay xilal ugu magacowday gobolka Jubbada Hoose.

Dadka qaarkiis ayaa Xukuumadda DFS ku dhaliila inay si fudud ugaga baxaan ballamo ay horay ula galeen Maamuladda Goboladda, iyo weliba ku xadgudubka Dastuurka dalka u degsan arrimahan ayaa la rumeysan yahay in burburisay xiriirka u dhexeeya Maamulada iyo Dowladda FS..

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa maanta magaaladda Kismaayo ka furmi doona shirka Sadexaad ee Madaxda Maamuladda Goboladda  waxaana uu leeyahay ahmiyad gaar ah iyadoo inta badan dadka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan waxa ka soo bixi doona.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *