Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Danjire Micheal Keating oo Kismaayo kula kulmay Madaxweynayaasha Maamuladda Goboladda Soomaaliya

Danjire Micheal Keating oo Kismaayo kula kulmay Madaxweynayaasha Maamuladda Goboladda Soomaaliya

Kismaayo (Madal Furan) – wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa maanta safar ku tegay magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu ka furmay shirka Isbahaysiga Maamuladda Goboladda Soomaaliya.

Danjire Micheal Keating ayuu wuxuu la  kulmay Hogaamiyayaasha Gaamul Goboleedyada oo shalay tagay isugu tegay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay kaga qayb galayaan shirweynaha 3aad ee Golaha Isbahaysiga Maamuladda Goboladda.

Booqashada Danjire Micheal Keating uu tegay magaaladda Kismaayo ayaa loo maleynayaa inuu Madaxda Goboladda kala hadli doono sidii loo qaboojin lahaa jilaafooyin ay DFS kala kulmi karto shirka Kismaayo.

Ilaa iminka si dhab ah looma oga xaqiiqada runta ah ee ay ka wada hadleen, waxaase la sheegayaa inay ka wada hadleen dariiqa ugu haboon ee lagu wanaajin karo xiriirka DFS iyo Maamulada Goboladda.

Madaxda Goboladda iyo Danjire Micheal Keating, waana maalintii ugu horeysay ee shirku uu ka bilowday magaaladda Kismaayo, waxaana la filayaa inuu qaadan doono dhowr maalmood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *