Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Madaxweyne Farmaajo oo kula kulmay Beijing Madaxweynaha dalka Masar Al Sisi.

Madaxweyne Farmaajo oo kula kulmay Beijing Madaxweynaha dalka Masar Al Sisi.

Muqdishso (Madal Furan) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa wadahadallo lagu sii xoojinayo xiriirka soojireenka ah ee labada dal ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa Shiinaha u jooga ka qeyb galka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo si toos u furmeysa berri.

Horey Madaxweynaha inta uu joogay dalkaas waxa uu la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxda shirkadaha maalgashi ee waddankaasi.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay leeyihiin xiriir soo jireen ah, waxaana Madaxweynaha kulankiisa ku qotomay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *