Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Shaqaalihii Dhisayey Saldhigga Millatariga Ee Imaaraadka Carabta Ee Magaaladda Berbera Oo Qaarkood Xabsiga Loo Taxaabay.

Shaqaalihii Dhisayey Saldhigga Millatariga Ee Imaaraadka Carabta Ee Magaaladda Berbera Oo Qaarkood Xabsiga Loo Taxaabay.

Berbera (Madal Furan)) – Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xabsiga waxay u taxaabeen Shan nin oo dhalashadoodu ka soo jeedo dalka Bakistaan iyo nin Soomaali ah

Dadkan la xiray ayaa dhamaantood waxay ahaayeen shaqaale ka shaqeynayey Saldhiga Milateri ee dowladda Imaaraadka Carabtu ay ka dhisaneyso xeebta magaalada Berbera. Ciidamada amaanka ayaa dadkan soo qabqabtay xili ay ugaarsanayeen xayawaanka duur joogta ah ee dhulkaasi hodanka ku yahay ee loo yaqaan Deerada

Dadkan ayaa xabsiga waxay dhex jiifaan mudo 10 maalmood ah iyadoo dhowaana la horgeyn doono Maxkamada si denbigooda loogu qaado

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *