Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Axmed Madoobe oo garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey Xaaf iyo Waare

Axmed Madoobe oo garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey Xaaf iyo Waare

Kismaayo (Madal Furan) – Waxaa maanta magaalada gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana ay ka qayb geli doonaan shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee la filayo inuu ka furmo magaaladda Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan Golayaasha maamulkiisa ayaa waxay Labadan hogaamiye ku soo dhoweeyeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Waxaa weli la sugayaa inay magaaladda Kismaayo tagaan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Madaxda maamulada Soomaaliya ayaa la filayaa inay beri si buuxda ugaga qayb geli doonaan shirweyne ay ku yeelan doonaan magaaladda Kismaayo, waxayna kaga arrinsan doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin iyadoo maamuladda qaarkood ay fooda ku soo hayso xili doorasho maadaama wakhtigii xukunkooda uu gabaabis yahay.

Waxaa kaloo ajandaha shirk aka mid noqon doona khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulada qaarkood iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay kan Jubbaland iyo DFS ka dhex aloosan.

Shirkan ayaa noqonaya kii Saddexaad ee ay isugu yimaadaan Hogaamiyayaasha Maamulada Goboladda Soomaaliya wixii ka danbeeyey markii isbahaysigaas la aasaasay sanadkii la soo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.