Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Qaraxii Xarunta Howlwadaag oo arday badani ku dhimatay kadib markii uu saameeyey dugsi Quraan iyo Masaajid,

SAWIRO:- Qaraxii Xarunta Howlwadaag oo arday badani ku dhimatay kadib markii uu saameeyey dugsi Quraan iyo Masaajid,

Muqdisho (Madal Furan) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar oo barqanimadii maanta lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kadibna lagu dhiftay albaabka hore ee dhismaha xarunta degmada Hawl Wadaag.

Qaraxaas oo ahaa mid aad u xoog weyn ayaa waxaa laga maqalay dhaamaan xaafadaha magaaladda Muqdisho, waxaana Ururka al-shaab barhooda ay ku leeyihiin Internetka ku sheegteen inay iyagu ka danbeeyeen qaraxaas, isla markaasna uu geystay khasaare naf iyo maal isugu jira

Wararka laga helayo halkaas ayaa sheegaya in qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac balse aan si rasmi ah loo ogeyn tirada saxda ah, balse gaadiidka gurmadka degdega ayaa la xaqiijyey inay goobtaas ka qaadeen dad tiradooda lagu sheegay 15 qof.

Waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah Guddoomiye kuxigeenka degmada Howlwadaag ee dhinaca amniga iyo siyaasadda.

Khasaaraha maaliyadeed ilaa iminka ka dhashay qaraxaas ayaa dadka goobjoogayaasha ahi sheegayaan inay ka mid yihiin dhismihii degmada, Masaajid iyo Dugsi Qruaan u dhowaa meesha qaraxu ka dhacay inay burbureen.

Waxaana jira dhimasho tiro badan oo gaaray ardayda wax ku baraneysay dugsiga burburay, iyadoo la sheegayo in wei la la’yahay caruur ka mid aheyd kuwa dugsigii ay dhiganayeen uu burburay, kuwaasoo loo maleynayo inay weli ku hoos jiraan dhismaha dumay.

Degmada Hawl Wadaag ayaa noqoneysa degmadii Labaad ee qarax noocaan oo kale ah loo geysto, waxaana weerar sanadkii hore ka dhacay degmada Wadajir ku geeriyooday 15 ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *