Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Gudoomiye kuxigeen ka badbaaday qarax gaariga loogu xiray magaaladda Muqdisho

Gudoomiye kuxigeen ka badbaaday qarax gaariga loogu xiray magaaladda Muqdisho

Muqdisho (Madal Furan) – Gudoomiye kuxigeenka  Maaliyada ee Gobolka Sh/Hoose C/fataax Xaaji Cabdalle ayaa wuxuu galabta ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigaas.

Qaraxa gaarigaas laaagu xiray ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaaladda Muqdisho, waxaana uu qaraxaasi ka dhcay xaafada lagu magacaabo Nuur Adduunyo oo ka tirsan degmada Dharkiinleey.

Gudoomiye ku xieegnka arrimaha maaliyadda ee Gobolka Shabeeladda Hoose Caabdifitaax Xaaji Caabdulle ayaa saxaafadda u sheegay in Alle ka abdbaadiyey qaraxaas oo uu tilmaamay inuu ahaa mid loo soo maleegay sidii naftiisa loogu dili lahaa.

Warar ayaa sheegaya in Guddoomiyuhu uu helay xog ku saabsan qaraxa gaarigiisa loogu soo xiray ka hor intii uusan qarxin.

Qaraxan ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen Laba askeri oo ka tirsanaa ciidamada degmada Dharkeynley kuwaasoo isku dayey inay gaarigaas ka furaan qaraxa, balse nasiib xumo uu qaraxu qabsaday, waxaana la dhigay isbitaal si loogu dabiinbo dhaawacii miinada ka soo gaaray.

Magaaladda Muqdisho ayaa beryahan danbe waxaa ku soo badanaya miinada laagu xiro gaadiidka ay iska leeyihiin masuuliyiinta dowladda u shaqeeya iyo dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsado dadka gacanta ka geysta soo xulista Xildhibaanada dowladda.

Madal Furaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *