Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Eriteriya Isbedel noocee ah laga filan karaa 57 sano kadib

Eriteriya Isbedel noocee ah laga filan karaa 57 sano kadib

Madal Furan – Eritrea waxay isu diyaarinaysaa inay u dabaal degto 57 guuradii ka soo wareegtay markii ay halgan hubaysan oo ay madax banaani ku doonaysay kaga hortagtay Itoobiya.

Jadwalka taariikhda Eritrea marka la eego, waxaa 1da Siteembar loo arkaa inay tahay maalintii ugu horraysay ee taariikhiga ahayd.

Waxay astaan u tahay maalintii ay dadka qarannimo doonka ah ee reer Eritrea hubka qaadeen, oo ay xornimadooda u dagaallameen. Waa billowgii 30 sano oo dhiig badan uu daatay, kaasoo ku soo afjarmay madax banaani ay heleen Maajo 1991.

Waa sidee xaaladda waddanka?

Todobadii sano ee ugu horraysay xornimada ka dib, waxaa jiray yididiillo weyn, ayadoo xisbiga xukunka haya ee jabhadda shacbiga ee dimuqaraadiyadda iyo cadaaladda (PFDJ) ay gobolladii hore ku beddeleen lix gobol oo cusub, ayna bilaabeen qabyo-qoraalka dastuur cusub, ayagoo sidoo kalena ballan qaaday in doorashooyin la qaban doono 1997.

Bishii Abriil 1993, Isaias Afewerki ayaa waxa loo doortay madaxweynaha Eritrea iyo guddoomiyaha baarlamaanka, taasoo siinaysa inuu koontaroolo qaybta fulinta iyo qaybta sharci dejinta.

Dhamaanba arrimahaas waxay dhacayeen ayadoo dhaqaaluhu uu kobcayey.

Isaias wuxuu baabi’iyey doorashooyinkii 1997, wuxuuna Eritrea ka dhigay waddan uu hal xisbi ka taliyo, waxaana xilligaas soo if baxayey calaamado muujinayey in aan la huri doonin isku dhac ayaga iyo Itoobiya ku dhex mara xudduudda.

Markii uu qarxay dagaalkii xudduudda ee Itoobiya 1998, Isaias wuxuu meesha ka saaray dhamaanba isbeddeladii dimoqaraadiyadda ee xukuumadiisu ay ballan qaadday.

Qorshihii khasabka ahaa ee 18ka bilood ee adeegga milateri ayaa isu beddelay mid aan wax wakhti ah lahayn. Waxaa la mamnuucay jaraa’idkii cusbaa ee gaarka loo lahaa, waxaana jiray suxufiyiin la xiray, sidoo kalena waxa xabsiga la dhigay wasiirradii dawladda ka tirsanaa ee dalbaday isbeddellada.

Dagaalkii xudduudda ee Itoobiya ayaa ku soo dhamaaday heshiis ay labada dhinac gaareen sannadkii 2000. Murankii dhulka ayaa sannadkii 2002 waxaa loo gudbiyey guddi arrintaas loo xil saaray oo Qaramada Midoobay ay taageeraysay.

Sidaasoo ay tahay, Itoobiya waxay ku gacan sayrtay talo soo jeedintii guddigaas, arrintaasna waxay dhalisay ismari waa muddo dheer socday oo keenay in labada dal ay kumanaan askari soo dhoobaan xuduudda.

Muddo sanooyin ahba Asmara waxay khilaafka Itoobiya u isticmaalaysay marmarsiiyo aysan ku hirgelin isbedellada siyaasadeed ee muddada dheer dib loo dhigayey.

Xaaladdu waxay aad isu sii beddeshay markii Eritrea iyo Itoobiya ay saxiixeen bayaan nabadeed oo 5 qodob ka koobnaa 9kii Luulyo.

Bayaanka wuxuu daba socday hadal ka soo yeeray Addis Ababa 5tii Juun, kaasoo ahaa in ay doonayso in si buuxda ay u dhaqan geliso heshiiskii labada dal hore u dhex maray oo uu ku jiray in Eritrea ay ku wareejiso dhulka soohdinta ee muranku ka taagnaa, waxaana dhulkaas ka mid ahaa deegaannada Badme, Tserona iyo Bada.

Maxay dadku filayaan

Inkastoo madaxweyne Afewerki ay naruuro u ahayd in Addis ay talaabadaas qaadday, isna uu amaanay dhiirranaanta ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, misna wuxuu weli ka aamusan yahay in isbeddello waddankiisa laga sameeyo.

Shabakadda internetka ee u janjeerta xukuumadda ee TesfaNews waxay sheegtay 13 Luulyo in Isaias iyo Abiy “ay istaahilaan abaalgudka Nobel, khatarta ay u galeen nabadda darteed”.

Dadka reer Eritrea waxay rajaynayaan in uu munaasabadda 57 guurada halgankii hubaysnaa uu u adeegsan doono inuu kaga dhawaaqo qorsheyaal isbeddello waaweyn ah.

Isbeddellada kuwooda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah shaqada qaranka, dib u soo celinta ciidankii dagaalka galay, sii deynta maxaabiista siyasadda iyo diimaha u xiran, iyo dastuur cusub.

Dhanka kale, Eritrea ma lahayn dastuur rasmi ah tan iyo 1993.

Shaqada qaranka ee khasabka ah ee aan wakhtiga lahayn ayaa wax laga saarayaa dadka reer Eritrea ee u cararaya dalalka jaarka la ah iyo Yurub. Qof kasta waxaa khasab ku ah inuu isu qoro shaqada qaranka marka uu gaaro da’da 18 sano. Warbaahinta maxalliga ah waxay sheegaysaa in taasi ay ugu wacan tahay saamaynta dagaalkii Itoobiya.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch waxay sheegtay in 2017 qiyaastii 12% dadka Eritrea ay dalkooda ka carareen.

Asmara waxaa kale oo uu cadaadis ka haystaa in ay mamnuucista ka qaaddo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee tan iyo Siteembar 2001 ay xayiraaddu saarnayd.

Sannadkii hore ayaa hay’adda Reporters Without Borders waxay Eritrea galisay kaalinta 179aad. Waxaa ka hoosaysa oo kaliya Kuuriyada waqooyi oo kaalinta 180aad ku jirta.

Maxaa dhici kara?

Hadal weyn oo Asmara ka soo yeera oo la xiriira isbeddellada muddada dheer la sugayey, ayaa laga yaabaa inuu dedejiyo sidii looga qaadi lahaa xayiraadda Qaramada Midoobay ee saaran Eritrea, taasoo lagu soo rogay 2009.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay xusul duub u gali doonaan sidii ay beesha caalamka ugala hadli lahaayeen qaaditaanka xayiraadda .

Laakinse golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, oo isagu leh go’aanka kama dambaysta ah ee qaadidda xayiraadda ayey u badan tahay in uusan debcin doonin mowqifkiisa, ilaa iyo inta ay Asmara ka muujinayso in ay u janjeersanayso jihada isbeddello siyaasadeed.

Ma aha arrin la baciidsan karo in haddii ay xukuumadda Eritrea ku guul darraysato dhaqangelinta isbeddeladaas ay taasi horseedi karto kacdoon shacab oo la mid ah rabshadihii muddada dheer ka socday Itoobiya ee aakhiritaankii keenay in Abiy Axmed uu awoodda qabto.

Source BBC

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *