Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo shir isugu tegaya magaaladda Kismaayo.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo shir isugu tegaya magaaladda Kismaayo.

Kismaayo (Madal Furan) – Magaaladda Kismaayo ayaa maanta lagu wadaa inay isugu tagaan madaxda Maamulada Goboladda Soomaaliya, waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka magaaladda.

Ciidamadda amaanka ayaa waxaa gaaf wareegaya dhamaan wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada dhex mara iyo dariiqa isku xira garoonka diyaaradaha iyo magaaladda Kismaayo, halkaasoo la filaayo inay marin u noqon doonto masuuliyiinta imaan doonta magaaladaas.

Waxaa kulanka looga hadli doonaa Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ka dhashay magacaabista dowladda ee saraakiisha ciidamada ay u magacaabeyso deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe, oo leh qaban qaabada kulankaan ayaa la filayaa in shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo uu ka sheego dhibaatooyinka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dareemaya culees siyaasadeed, iyaga oo ku eedeynaya madaxda dowladda inay ka dambeeyaan abaabulka Culeeska siyaasadeed ee heysta labada maamul.

Madaxda Puntland iy Koofur Galbeed ayaa dhankooda dareemaya culeesaadka kaga imaanaya dhanka doorashada, waxaana horey madaxweyne Gaas, uu kaga digay in fara gelin lagu sameeyo doorashada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *