Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Digniin adag oo loo diray musharixiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Digniin adag oo loo diray musharixiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Baydhabo (Madal Furan) – Wararka ka imaanya magaaladda Baydhabo ayaa sheegaya in digniin culus uu Maamulka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u direen Musharixiinta isu soo sharaxay inay u loolamaan xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Digniinta ayaa waxay dhigaysaa in aan Musharixiintu aysan sameysan karin ciidamo Istaaf ilaalo u noqda, waxaana digniintaas soo saaray Taliska ciidamada ciidamadda Booliska Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada booliska Koofur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan, ayaa sheegay inay heleen warbixino la xiriira in musharixiinta ay doonayaan inay shaqsiyaad ay isku heyb yihiin ka dhigtaan ilaaladooda gaarka ah, taasi oo caqabad ku noqon karta amaanka, sida uu sheegay.

Taliyaha, ayaa sheegay in la doonayo in ciidamada amaanka ee Koofur Galbeed ay ka qeyb qaataan xaqiijinta amniga doorashada, maadaama ay diiwaan gashan yihiin, lana yaqaano.

Musharixiinta ayuu sheegay in haddii ay lasoo xiriiraan u sameyn doonaan shaqsiyaad lagu kalsoon yahay oo xaqiijinaya amaankooda, laakiin aan la aqbaleyn in xubno ciidamada aan ka mid aheyn inay magaalada hub ku dhex qaataan.

Bisha soo socoto ee November ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.