Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Taliyihii hore ee ciidamada Liyu boliska DDSI oo diiday xilka qaadistii lagu sameeyay iyo

Taliyihii hore ee ciidamada Liyu boliska DDSI oo diiday xilka qaadistii lagu sameeyay iyo

Jigjiga (Madal Furan) Taliyihii hore ee ciidamdda Liyuu Bolis C/raxmaan Laba Go’le ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday xil ka qaadis dhowaan lagu sameeyey Saraakiil ka tirsan ciidamada DDSI oo uu isagu ka mid yahay.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in socdaan kulamo deg deg ah oo ay yeelanayaan Saraakiil ka badan 70 oo saacado 24kii saac ee la soo dhaafay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha cusub ee DDS.

Saraakiishan ayaa lagu soo waramayaa inay ka arrinsanayaan siday ka yeeli lahaayeen mustaqbalkooda iyo isbedelada siyaasadeed eek a dhacaya deegaanka Soomaalidu degto, gaar ahaan qodobada la xiriira isbedelka lagu sameeyey Saraakiisha ciidamadda.

Xogo muhiim ah oo laga helay Saraakiisha ka qayb qaadaneysa kulankan ayaa sheegaya in intooda badan ay isu diyaarinayaan siday ugaga horimaan lahaayeen  xilka qaadista lagu sammeeyey iyo inuusan saameyn ku yeelan isbedelkaasi hogaanka ciidamadda dhulka Soomaalida Itoobiya.

Gen. C/raxmaan Laba Go’le ayaa la soo sheegayaa inuu gebi ahaanba ku gacan sarey xil qaadista lagu sameeyey, iyo isagoo isu diyaariya sidii uu uga badbaadi lahaa inuu gacanta u galo ciidamada Milateriga Itoobiya.

Gelinkii danbe ee shalay ayaa odayaal ka tirsan kuwa Dhaqanka Soomaalida ayaa isku dayey inay dhexdhexaadin ka sameeyaan amar diida Taliyaha ciidamada Liyuu Boliska, balse ilaa iminka lama oga wax natiijo ah oo ka soo baxay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.