Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Wadahadalo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Shiinaha

Wadahadalo dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Shiinaha

Beiging (Madal Furan) Madaxweynaha dowaldda  Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha  dowladda Shiinaha Xi Jinping ayaa waxaa ay yeesheen wada hadal ay kaga hadleen xiriirka Labada dowladood ee mudada dheer so jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu ka qayb gelayaa shirka Madasha Iskaashiga Waddamada, waxaana kulankaani ahaa mid ka hormaray shirkaas oo ay yeesheen Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Sidoo kale  Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa waxay isla lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Labada hoggaamiye waxay isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.