Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Mudaharaad looga soo horjeedo xariga Cabdi Iley oo maalintii Labaad ka socda Jigjiga,

Mudaharaad looga soo horjeedo xariga Cabdi Iley oo maalintii Labaad ka socda Jigjiga,

Jigjiga (Madal Furan) – Waxaa maalintii Labaad ka socda magaaladda Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya banaabax xoog weyn oo ay dhigayaan dadweyne tiro badan oo taageersan Madaxweynihii xil kaqaadista iyo xariga la isugu daray ee Caabdi Maxamuud Cumar (Iley).

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa waxaa ay qayb ka yihiin kuwa ka ilaalinaya inay rabshado ka dhashaan mudaharaadka ka socda magaaladda Jigjiga, waxaana dadweynuhu ku qaylinayaan sida ay uga xun yihiin xariga loo geystay hogaamiyahooda.

Dadka ka qayb galaya mudaharaadka ayaa waxaa ay buux dhaafiyeen dariiqyada magaaladda Jigjiga, waxayna sitaan boorar ay ku qoran yihiin eraayo looga soo horjeedo xariga Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay).

Maxkamad ku taal magaaladda Addis Ababa ayaa la horgeeyey Caaabdi Maxamuud Cumar subaxnimadii Arbacada, kadib markii ciidamadda amaanku a subaxnimadii Talaadada xabsiga u dhaadhiciyeen Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Iley.

Maxkamadda ayaa diiday codsi ay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnihii ka tirsanaa xukuumadiisa ku codsadeen in lagu sii daayo damaanad, balse codsigaas Maxkamaddu way ka diiday, waxa keliya oo Maxkamaddu aqbashay inay xaq u leeyihiin in Maxkamadu caafimaadkooda ilaaliso inta laga gaarayo xukunkooda.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *