Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo Muqdisho u tegay siduu u abaabuli lahaa xisbi xoog badan oo uu hogaamiyo

Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sheekh oo Muqdisho u tegay siduu u abaabuli lahaa xisbi xoog badan oo uu hogaamiyo

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhoweyd ka soo degay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasoo mudo ku noolaa waddanka Turkiga.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya u xilsaartay soo noqoshada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Safarka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wuxuu ku soo beegmay xili uu Madaxweyne FArmaajo dalka dibaddiisa ugu ambabaxay safar qaadan doona mudo aan la cayimin.

Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu dalka u yimid sidii uu abaabuli lahaa Xisbi uu isagu hogaamiyo kaasoo ku loolami doona doorashada sanadka 2020-ka la qorsheeyey in Soomaaliya ay ka dhacdo.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in inta badan xubnaha mucaaradka ay kamid noqon doonaan xisbiga cusub ee uu abaabulkiisa wado.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo aqalka sare ayaa madaxweynaha kaga hor tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud, waa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ah xildhibaan Sharafeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *