Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Al-shabaab lugeynaya oo gudaha magaaladda Marka ka dagaalamay

Al-shabaab lugeynaya oo gudaha magaaladda Marka ka dagaalamay

Kooxo si weyn u hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa caawa waxay dagaal ku qaadeen magaaladda Marka ee Gobolka Sh/hoose, waxaana ay tilmaameedsadeen Saldhigyo ay lahaayeen ciidamadda Milateriga Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wuxuu ka bilowday dhinaca Bari ee magaaladda, waxaana magaaladda la maqlayey gurxanka rasaasta oo ay is weydaarsanayeen dhinacyadii dagaalamayey.

Waxaa aad u adag in si sahlan loo ogaado khasaaraha dahbta ah ee dagaalkaas ka dhashay maadaama ay Labada dhinacba adeegsanayeen noocyada hubka culus iyo kan fudud.

Dadka ku nool magaaladda Marka ayaa waxay sheegeen inay la soo deristay cabsi kadib markii gudaha magaaladda uu ka dhacay dagaal aad u kharaar, kaasoo sababi kara in rasaastu ay dadka ku nool magaaladda gudaheeda ugu tagto guryaha ay ku nool yihiin.

Xoogagga ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa goobjoogayaal sheegeen inay magaaladda gudaha u soo galeen iyagoo lugeynaya isla markaasna ay beegsadeen xarunta ay degan yihiin ciidanka dowladda federaalka ee dhawaan halkaasi la wareegay.

Guddoomiyaha magaalad Marko Xasan Macalin Cumar oo la hadlay Saxaafadda  ayaa sheegay in raggan laga war hayay, islamarkaana ciidamada ay iska difaaceen weerarka Shabaab. Magaaladana ay iminka xasiloon tahay.

Wuxuu kaloo Guddoomiyuhu carabka ku dhiftay inay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka balse aan weli la caddeyn karin

Magaaladda Marka ayaa u muuqata mid maggan u ah ciidamo kala duwan waxaana inta badan dhacda in uu dagaal dhex maro ciidamadda dowladda dagaalyahanada ururka Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *