Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Jabhadda ONLF oo qayb ka noqotay heshiiska Jabahaddaha ee dalka Itoobiya ee hubka looga dhigayo dagaalyahanada

Jabhadda ONLF oo qayb ka noqotay heshiiska Jabahaddaha ee dalka Itoobiya ee hubka looga dhigayo dagaalyahanada

Addis Ababa – (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in heshiis ay si wadajir ah u gaareen dowladda Itoobiya iyo ururka ONLF ee xoreynta dadka Ogaadeenka iyo .OLF oo ah Jabhadda dadka Oromada iyo weliba Jabhadda Patriotic Ginpot oo ah urur mucaarad ah oo hubeysan.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Labada dhinac ay wada saxiixeen heshiis horudhac ah oo qodobadiisa ay ka mid yihiin in xoogagga Jabahddaha in lagu sameeyo hub ka dhigis, in la kala diro ciidamadda iyo in tababar loo furo oo lagu daro ciidamadda dowladda.

Agaasimaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Fitsum Arega ayaa bartiisa Twitterka ku soo bandhigay in heshiiska ay la gaareen Jabahadda xoreyngta Ogaadeenya ONLF ay qayb ka aheyd  heshiis ay dowladdu dooneyso inay la gasho dhamaan Jabahadda kale ee waddanka ka jira.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in dowladdu ay furtay xafiis loogu tala galay inuu fududeeyo hub ka dhigista iyo sidii dib loogu soo dhex gelin lahaa ciidamadii ONLF shacabkooda, wuxuuna tilmaamay in hawshaas si dhaqso leh ay dowladdu u hirgelineyso.

Fitsum Arega wuxuu kaloo sheegay in hawshan fulinteeda loo xilsaaray Wasiirka Warfaafinta Dowladda Itoobiya kaasoo fulin doona qodobada heshiiska ee hub ka dhigtu ay ugu weyn tahay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu xafiiskaasi uu hoos tegi doono xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Jahbadda ay iminka heshiiska kala qorteen dowladda Itoobiya ayaa dhamaantood waxay mudo dheer ka wadeen gudaha dalka Itoobiya dagaalo ay ku hayeen ciidamadda dowladda Itoobiya.

 

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *