Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Degmada Aadan Yabaal oo dhaliyaro ku nooli ay sheegeen inay la dagaalami doonaan ururka Al-shabaab

Degmada Aadan Yabaal oo dhaliyaro ku nooli ay sheegeen inay la dagaalami doonaan ururka Al-shabaab

Dhalinyaro is abaabulay oo la dagaalamaya Al-Shabaab

Muqdisho(SONNA):–Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dhalinyaro si iskood ah isku abaabulay ay bilaabeen inay beegsadaan oo ay ka hortagaan Maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Dhalinyaradaan ayaa is abaabulay ka dib markii awooda ururka Al-shabaab ay  deegaankooda ku sii xoogeysatay.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaysan u dul qaadanayn in maalin kasta ay dadkooda dhibaato u gaystaan kooxda ururka Al-shabaab oo iyagu deegaankaas awood xoog leh ku haysta.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta  ayaa iyana sheegay inay ka war haayaan dhalinyaradaasi is abaabulay, haatana ay qorshaynayaan in ciidamo ka tirsan dowladda ay gaaraan degmadaasi Aadan Yabaal.

Lama oga in dhaliyaradaasi awood u yeelan doonaan inay dagaal fool ka fool ah la galaan Ururka A-shabaab iyo inay awood u yeelan doonaan inay ka saaraan deegaamadooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa wakhtiyo fara badan dagaalo ay ku qaadeen fariisimada ururka Al-shabaab ayasan wax horumar ah kaga sameyn.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *