Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Ururka Al-shaab oo gudaha dalka Kenya ku dilay ciidamo ka tirsan dalka Kenya

Ururka Al-shaab oo gudaha dalka Kenya ku dilay ciidamo ka tirsan dalka Kenya

Nayroobi (Madal Furan) – Shan Askeri oo ka tirsan ciidamadda amaanka dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay magaaladda Lamu ee dalka Kenya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa inay ciidamadaas weerareen kooxo hueysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab gaari ay ciidamadaasi la socdeen waxaana la sheegay in ugu yaraan 10 kale oo ciidamadaas ka tirsan ay ku dhaawacmeen.

Ciidamadan la weeraray ayaa Afhayeenka ciidamada Kenya Colonel Paul Njuguna uu sheegay in ciidamadaas la weeraray xili ay ku guda jireen arrimo la xiriira gargaarka dadka reer guuraga ah oo ay biyo iyo baad gaarsiinayeen.

Ciidamadan ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen kuwo ka qeybgalayay howlgalo ka socda Linda Boni oo ururka Alshabaab loogaga hortagayo iyagoo laga baadi goobayo keymaha ku yaal deegaankaas.

Weerarka miinada ah ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ururka Alshabaab oo weeraro ka geysta gudaha dalka Kenya.

Waxana uu weerarkan yimid saddex toddobaad kadib markii lix askari oo ka mid ah ciidamada Kenya lagu diley qarax miino oo ka dhacay   Kwa Omollo Bridge 8da bishan August.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *