Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Dowladda Itoobiya oo dedejineysa dacwada loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar oo maxkamad la soo taagay

Dowladda Itoobiya oo dedejineysa dacwada loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar oo maxkamad la soo taagay

Addis Ababa  (Madal Furan) – Maxkamad ku taal magaaladda Addis Ababa ayaa saaka waxaa la horgeeyey Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

Danbiyada loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ku sheegay dambiyo ay ka mid yihiin ku tumasho xuquuqda aadanaha, ku xadgudub  awoodeed iyo inuu ka dambeeyay banaanbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka Itoobiya.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxaa ka soo hormuuqday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cabdi Jamaal wasiirkii caddaalada, Raxma Maxamed wasiirkii hore ee haweenka iyo carruurta, Ibraahim Mahad wasiirkii waxbarashada,Ibraahim Maxamed Mubaarak guddomiyihii magaalada Jigjiga, Cumar Cabdi Madaxii siyaasada ee xisbiga dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya ayaa xiligan dooneysa inay dedejiso kiiska loo haysto Cabdi Maxamuud Iley iyo xubno ka tirsanaa xukuumadiisa, balse waxaan la ogeyn in Maxkamadda la horgeyn doono caddeymo iyo markhaantiyaal ka dhan ah Cabdi Maxamuud Iley.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *