Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Dadweynaha magaaladda Muqdisho oo si farxad leh ku booqday Garoonka Muqdisho Stadium

Dadweynaha magaaladda Muqdisho oo si farxad leh ku booqday Garoonka Muqdisho Stadium

Muqdisho (Madal Furan) – Dad weyne aad u fara badan oo ku nool magaaladda Muqdisho ayaa saaka waxay isugu tageen garoonka ciyaaraha (Muqdisho Stadium).

Dadka tegay garoonka ciyaaraha ayaa waxay halkaas u tageen indho indheyn kadib markii dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM, halkaasoo ay gacanta ku hayeen mudo sanado fara badan ah.

Dadweynaha isugu tegay garoonka gudihiisa ayaa waxay gacan ka geysteen goynta dhir fara badan oo ka dhex baxday garoonka, gaar ahaan halka lagu ciyaaro.

Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium ayaa waxaa ku dhacay isbedel xoog weyn oo dhinca dhismaha ah, waxaana ka muuqda dhaawaca rasaastii la isu adeegsaday dagaaladii kala duwanaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Dadka isugu tagay garoonka ayaa aad ugu faraxsanaa in garoonka ka baxaan ciidamada AMISOM, waxa ay sidoo kale dadkan ka niyad jabsanaayeen sida uu muuqaalka garoonka isku bedelay sanadihii uu xerada Milatari ahaa.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa waxay kala wareegeen ciidamadii AMISOM garoonka Muqdisho Stadium, waxaana dadweynaha magaaladda Muqdisho ay si weyn u soo dhoweeyeen dib-u-soo celinta iyo gacan ku ahynta dowladda Soomaaliya ee garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *