Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Eray qiiro geliyey dadka Soomaaliyeed oo lagu dhex arkay Garoonkii Muqdisho Stadium

SAWIRO:- Eray qiiro geliyey dadka Soomaaliyeed oo lagu dhex arkay Garoonkii Muqdisho Stadium

Muqisho (Madal Furan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda waxay ugala wareegtay dhismihii garoonka ciyaaraha Qaranka Soomaaliyeed ee (Stadium Muqdisho) waxaana booqasho halkaas ku tegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuuna sheegay in sida ugu dhaqsaha badan dowladda Soomaaliya u bilaabi doonto qorshe ay ku hawlgelin doonaan garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium).

Sawiradii laga soo qaaday qaybaha dhismaha Garoonka ayaa ahaa kuwo naxdin iyo fajac ku reebay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan da’dii soo gaartay xiliyadii wanaagsanaa ee garoonkaasi uu shaqeyn jiran.

Garoonka  (Stadium Muqdisho) ayaa waxaa lagu qaban jiray tartamada ciyaaraha Naadiyada Qaranka, kuwa Gobolada, Mehrajaanka ardaydu ku soo bandhigi jireen hal-abuurkooda ku saleysnaa waddaniyada iyo weliba kulamada gaarka ah ee dowladda.

(Stadium Muqdisho) wuxuu lahaa qaybo badan oo isugu jiray dhamaan noocyada ciyaaraha, waxaana qaybta Labaad ee garoonka dedean ee  (Stadium Muqdisho) lagu qaban jiran ciyaaraha ay ka midka ahaayeen Kubadda Kolayga, kubbada shabaqa, dabaasha iwm.

Sawirada hadda laga sooq qaaday Garoonka  (Stadium Muqdisho) ayaa lagu dhex arkay eray ka ilmeysiiyey dad badan oo Soomaaliyeed “Dal Walba Dadkiisa Ayaa Dhisa” eraygaasoo ka tarjumaya dayaca iyo burburka haysta maanta  (Stadium Muqdisho) iyo sida uu ugu baahan yahay in dib loogu soo nooleeyo quruxdii iyo quwadii ay laheyd  (Stadium Muqdisho)

Haseyeeshee, Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.