Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > SAWIRO:- Cabdi Maxamuud Cumar Shalay madaxweyne maantana maxbuus!!!

SAWIRO:- Cabdi Maxamuud Cumar Shalay madaxweyne maantana maxbuus!!!

Addis ababa (Madal Furan) – Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa waxay xabsiga u taxaabeen Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaasoo ay ciidamadu ka soo kaxeeyeen guriga uu ka deganaa magaaladda Addis Ababa.

Mudane Cabdi Iley ayaa loo hasytaa dacwado bani aadanimada ka dhan ah oo ay ku soo oogeen dad fara badan oo xabsiga Ogaadeen tacadiyo loogu geystay siida ay shaacisay Wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA oo soo xigatay xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya.

Si dhab ah looma shaacin xiliga ugu haboon oo dacwadiisa lagu qaadi doono Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaase dhowaan Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo soo hadal qaaday halka uu ku danbeyn doono Caabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuu la marsiin doono maxkamad cadaalad ah..

Muuqaalo laga soo duubay Caaabdi Maxamuud cumar (Iley) ayaa laga sii daayey Taleefishinka dalka Itoobiya ayaa muujinayey in ciidamadu ay ka soo kaxeeyeen guriga uu ka degan yahay magaaladda Addis Ababa, isla markaasna ay u sii gelbiyeen xabsi ku yaal halkaas.

Waxaa kaloo guriga uu deganaa Mudane Cabdi laga soo qabtay hub isugu jira qoryaha AK47 iyo Bastoolado.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa rajadiisu u muuqataa mid mugdi sii geleysa, maadaama ay jiraan dad badan oo qorsheynaya inay Maxkamada la saari doono ay hor geyn doonaan caddeymo la xiriira gaboodfal maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa ay ka geysteen xabsiyada iyo deegaanka dhulka ay Soomaalidu degto, waxaana dad badani saadaalinayaan inuu muteysan doono xabsi dheer ama ciqaabo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *