Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Qarax goor dhoweyd ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Qarax goor dhoweyd ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Madal Furn) – Uguyaraan Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay kuwo kalena way ku dhaawacmeen qarax goor dhoweyd ka dhacay agagaarkawarshadii caanaha ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay gaari yar oo nooca raaxada ah oo halkaas ku qarxay, lamana oga nooca uu qaraxaasi ahaa,

Dadkii arkay gaarigaas qaraxu ka dhashay ayaa sheegaya in goobta uu ku qarxay ay ka ag dhow yihiin Saldhig ciidamada amaanku halkaas ku leeyihiin.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amaanka oo la xiriira qaraxa ka dhacay maanta magaaladda Muqdisho iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *